WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Gaas oo shir deg deg ah iskugu yeeray Talisyada ciidamada Difaaca & Wasiiro

0

Warar deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in uu socdo shir gaar ah oo dhexmaraya Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdweli Maxamed Ali Gaas iyo golaha Xukuumada, oo ay qeyb ka yihiin Taliska ciidamada kala duwan ee Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan gaarka ah diirada lagu saarayo arrimaha amniga iyo dagaalka hadda ka bilowday gobalada Sanaag & Haylaan  oo ay Somaliland weerar kusoo qaaday.

Dawladda Puntland ayaa lafilayaa in ay goor dhaw la hadasho saxaafada oo ay war ka soo saarto xaaladda dagaalka ka socda gobalada Haylaan iyo Sanaag, waxaana halkaas jooga Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee dawladda Puntland.

Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo horey uga hadlay dhacdadan iyo Ifafaalaha dagaalkan intii uusan bilaaban ayaa kusugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.