Wafdi ka socda IGAD oo gaaray Baledweyne

0

Wafdi ka socda IGAD oo uu Hogaaminayo Wakiilka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa Kulan ay Albaabadu u xiran yihiin waxaa ay la qaateen Duubabka Dhaqanka Ee Gobolka Hiiraan oo uu Hogaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Inkastoo aan la Ogeyn Natiijada Kulanka dhexemaray Wafdiga IGAD iyo Ugaas Xasan ayaa looga hadlay Arrimo la Xariira Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wafdiga IGAD ayaa ka soo laabtay Magaalada Baledweyne,mana jirto wax War ah oo Warbaahintu ay ka heshay Kulanka Labada Dhinac.