TOOS U DHAGEYSO:- Puntland oo ka hadashay Dagaalka ka socda Sanaag iyo Somaliland oo lagu eedeeyay inay soo duushay

0

Gudoomiyaha Gobolka Haylaan Maxamed Faarax Jeentalo oo la hadlay Radio Garowe ayaa xaqiijiyay in dagaal maanta uu ka dhacay gobolka Haylaan iyo Sanaag kaasi oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo maalmahan xurgufi u dhaxayso.

Jeentalo wuxuu sheegay in arrintaasi ka hor istaageen ciidamada Puntland isaogo xusay inay ka qabsadeen deegaanka dagaalku  ka dhacay islamarkaana hadda gacanta ku hayaa ciidamada difaaca Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan doonayn qorshaha ay waddo xukuumadda fadhigeedu yahay Hargaysa.

Jeentalo oo wax laga weydiiyay khasaaraha dagaalka ayaa xusay inay dhaba ahaan ogayn tirada rasmiga ah, balse loo sheegay dhawac hal askari oo dhinaca Puntland ah, wuxuuna intaasi raaciyay inay diyaar u yihiin difaaca gobolka.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday xilli maalmaha xiisan taagnayd qaybo kamid ah gobollada Sanaag iyo Haylaan, taasoo ka dhalatay qorshaha Somaliland ee ku aadan diiwaangalinta cod-bixiyaasha doorashooyinka maamulkaasi, waxaana halkaasi labada dhinac geeyeen ciidamo badan iyadoo shacabku walaac ka muujinayeen isku dhac dhexmara labada maamul.

Puntland iyo Somaliland ayaa muran xooggan horay uga dhex-taagnaa taasoo salka ku haysa lahaanshaha labada gobolka ee Sool iyo Sanaag, waxaana dhawaan saxaafadda haddalo isu marayay mas’uuliyiin katirsan labada maamul.

HALKAAN KA DHAGEYSO