TOOS U DHAGEYSO:- Ciidamo Itoobiyaan ah oo la keenayo Muqdisho

0

Warar hoose oo la helay waxay sheegayaan in Ciidan Itoobiyaan ah kusoo wajahan yihiin magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Askarta Itoobiya ka imaanaya ee qeybta ka ah AMISOM waxa la sheegay in loogu talo galay sugida Nabad gelyada inta doorashada ay ka dhaceyso Dalka Soomaaliya bilo kadib.

Warkaan oo si hoose warbaahinta uheshay ayaa waxa hadana loo bandhigay jiritaanka warkaasi inuu xaqiijiyo iyo in kale Afhayeenka howlgalka AMISOM.

Waxa uu Afhayeenku sheegay inay og yihiin keliya ciidanka AMISOM ee ka socda Waddamada kala duwan inay ku dadaalayaan sidii looga adkaan lahaa Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ayaa sheegay inuusan maqlin weli qorshe la doonayo in Askar Itoobiyaan ah oo doorashada iyo Amnigeeda ilaalin doona la keenayo Muqdisho.

HALKAAN KA DHAGEYSO