Maxay Ka wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dalka Masar?..

0

Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fitax Al Sisi ayaa kula kulmay magaalada Kigali ee dalka Ruwanda Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud intuu uu socday shrikii Midowga Africa ufa furmay magaaladaasi.

Afhayeenka aqalka madaxtooyada Masar Calaa Yusuf ayaa sheegay in kulanka uu ugu muujiyay Sisi sida dowladda Masar ay isku garab istaagayso xasilonida iyo midnimada Soomaliya iyo fulinta qorshaha aragtida 2016,Waxa uu shaaca ka qaaday Madaxweynaha Masar inay dowladiisa siiw adi doonto taagerida hay’adaha Dowladda.

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay inay soo dhawenayan hormarka dhinaca amaan iyo xasilooni ee kasoo ifeysa Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia ayaa uga mahadceliyay dhigiisa Masar xiriirka wanagsan ee dowladiisa kala dhaxeeya sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada Masar.

Xasan Sheekh waxa uu xusay in ay jiraan dhibaatoyin ku hareeresan arimaha dhinaca amaanka iyo siyaasada Soomaliya.

Ugu dambeen Xasan Sheekh Madaxweynaha Somalia ayaa u sheegay dhigiisa inay dowladiisa u diyaar garowday doorashooyinka bisha Augst.