Fanaanka Shey Mire Dacar oo maanta lagu Aasay Hargeysa

0

Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaaliland waxaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay Fanaanka caanka ah ee Shey Mire Dacar oo shalay xanuun mudo hayay dartiis ugu geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Ehelada Marxuumka, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliland, Waxgarad, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Caabi Mire Dacar oo la dhashay fanaanka geeriyooday ayaa sheegay in maanta Shey Mire Dacar lagu Aasay Qabuuraha ku yaala magaalada Hargeysa, sidoo kalena dadkii ka soo qeyb galay Aaska Marxuumka ay ugu duceeyeen in uu janada Fardowsa ka waraabiyo.

Fanaanka Shey Mire Dacar ayaa waxa uu sanadkii 1969-kii ku dhashay magaalada Ceeri-Gaabe ee xarunta gobolka Sanaag.

Shey Mire Dacar ayaa waayihiisa Faneed waxa uu ku soo qaatay maagalooyinka Ceeri-Gaabo iyo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari,isagoo ugu dambeyn shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.