DHAGEYSO WAREYSI:- Xiisad u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Somaliland oo ka taagan Gobolka Sanaag

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baran Ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Xiisad u dhexeysa Maamulada Somaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay Magaalada Baran,iyadoo halkaa ay tageen Wafdi ka kala socda Puntland iyo Somaliland.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Ee Puntland ayaa Magaalada Baran Joogay Maalmahaan,iyadoo sidoo kale Wafdi uu horkacayo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland uu halkaa gaaray.

Somaliland ayaa qeybo ka mid ah Gobolka Sanaag geysay Sanaadiiqda Cod bixinta Doorashooyinka,iyadoo Shacabka Reer Puntland ay ka soo horjeedaan Arrintaas.

Dhanka kale Banaanbax looga soo horjeedo Sanaadiiqda Codbixinta Somaliland ayaa ka dhacay Magaalada Xiingolool ee Gobolka Sanaag.

Hoos ka Dhageyso Codka:-