DHAGEYSO WAREYSI MURUGO BADAN:-Hooyo arkeysay Xasuuqa Itoobiyaanka geysteen

0

Weli waxaa aad looga argagaxsan yahay Xasuuqii ciidanka Itoobiya shalay ka geysteen Magaalada War diinle Ee Gobolka Bay.

Waxa aadka looga naxay ayaa aheyd Ciidanka Itoobiya oo inta guryaha ugaleen oday qur’aan la saarayey oo xanuunsanaa kadibna wadajir utoogteen dadkii shacabka ahaa.

Haweeneey ka mid aheyd dadkii kusugnaa War diinle ayaa warbaahinta la wadaagtay wixii ay aragtay iyadoo laga dareemayey murugo iyo tiiraanyada ay ka qaaday wixii meesha ka dhacay.

Ka hor ciidanka itoobiya intaysan Xasuuqa geysan waxa Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay ku lahaayeen deegaankaasi iyaguna ay Shacabka ku Xanaaqeen Xasuuqa intaasi la egna ay ugeysteen.

Waa mid ka mid ah waxyaabaha sii kordhin kara cadaawada Itoobiya uqabto Soomaaliya oo dadka ay ku baraarugayaan waxaana qaarkood dadku ay ku sheegeen falkaan mid wuxuushnimo ah.

HALKAAN KA DHAGEYSO