C/kariin Guulleed oo Qaliin dhanka Wadnaha lagu sameeyay & warar sheegaya

0

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo maalmahan ku jiray Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalka Hinddiya ee New Delhi, ayaa lagu soo waramay in lagu guuleystay Qaliin looga sameeyey Wadnaha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa isbuucii hore Socdaal Caafimaad ku tegay caasimadda dalka Hindiya, kadib, markii uu ku soo booday xanuun dhinaca Wadnaha.

Qaar ka mid ah Eheladda Madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana ay soo hagaagayso Xaaladiisa Caafimaad.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed Guuleed ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo dib ugu soo laabto dalka hooyo, si uu u guda-galo Waajibaadkiisa Shaqo ee Hoggaaminta Dowlad-gobaleedka Galmudug ee Bartamaha Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Xanuunadda ku dhaca Wadnaha iyo Qaliinkooda ayaa ah cuddur Normal ah, waxaana jira Dhakhaatiir Caalami ah oo Takhasus u leh Daaweynta iyo Qaliinka Cudduradda ku dhaca xubinta Wadnaha ee Aadanaha, kuwaasi oo inta badan fuliya Qaliinadaasi.