Siyaasi Cali Seeko oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu joojiyo Caburinta doorashooyin la filayo iney Soomaaliya ka dhacaan

0

Siyaasiga  Cali Maxamuud Faarax ( Cali Seeko)  oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya kaga digay in ay is hortaag ku sameyso Shirarka Beelaha Soomaaliyeed ay ku yeelanayaan  Hoteelada Muqdisho.

Cali Seeko ayaa xusay in Waqti yar ay ka harsantahay Doorashada Dalka islamarkaana Oday dhaqameedyada Soomaaliyeed ay kaga tashanayaan Masiirka Dalka loona baahan yahay in aan laga hor istaagin howlahooda.

Waxaana Cali Seeko uu wax laga xumaado ku tilmaamay  in Ciidanka Dowladda Soomaaliya loo adeegsado Dan gaar ah oo Quseeya Siyaasadda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata Siyaasiga Cali Seeko ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Waqtigaan oo kale Sanadkii 2012 dalka laga dareemayay ololaha Doorasho balse xilligaan ay jirto Caburin  dhanka Doorashada ah sida uu hadalka u dhigay.

“ Beelaha Soomaaliyeed xaq ayey  u leeyihiin in ay shirar yeeshaan oo aayahooda ay kaga arrinsanayaan” ayuu yiri Cali Seeko.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya is hortaag ku sameeyeen kulan mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ay ku yeelan rabtay Hoteel Makka Al Mukarrama.