Recep Tayyip Erdogan “ Mareykanka Waxaan ka codsaneynaa inuu gacanta noo soo geliyo Fethullah Gulen”..

0

Madaxweyne Dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo kula hadlay taageerayaal badan oo isugu soo baxay banaanbaxyo afaafka hore ee dhismaha Xarunta baarlamaanka ayaa Maraykanka ka dalbaday in uu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Fethullah Gulen ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Inkastoo dowlada Turiga ay baadi goobeyso Fethullah Gulen hadana isagu waa uu beeniyey in uu ku lug lahaa afgambiga dhicisoobay ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa xirtay kumanaan ka tirsan milatariga Turkiga oo ay uga shakisan tahay in ay ka dambeeyeen afgembigaasi fashilmay.

Fethullah Gulen
Fethullah Gulen

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso isku-daygaasi afgembi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa isku-daygaasi ay dhibaato u geysan karaan xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.