Nin Hubeysan oo Weeraray Maqaaxi ku taalla duleedka degmada Mahadaay

0

Ninkaan oo ku hebeysnaa Qori Ak 47 ah  ayaa waxa uu rasaas xoogan ooda kaga qaaday dad ku caweynayay mid ka mid ah Maqaaxiyaha laga Shaaho ee deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyay 2 qof  ayaa ku dhimatay oo mid ka mid ah uu Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ahaa halka 3 kale uu soo gaaray dhaawac culus.

Dadka dhaawacmay mid ka mid ah ayaa la sheegay in  uu ka tirsan yahay Masuuliyiinta maamulka degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Lama oga sababta ka dambeysay in Ninkaasi uu weeraro Maqaaxida ay dadka ku qaxweynayeen.

Ma jirto illaa iyo iminkancid sheegatay Masuuliyadda weerarkaasi.