Mdaxweynaha Dalka Ruushka oo Tacsi u Diray Dhiggiisa Turkiga

0

Madaxweynaha Ruushka vladimir putin, ayaa  Madaxweynaha Turkiga  Rajab Dayib Erdogaan,uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay isku daygii inqailaabkii fashilmay oo ka dhacay Turkiga.

Wuxuuna, vladimir putin, Tacsiyadaasi gaarsiyay dhigiisa Turkiga, mar ay labada Hogaamiye khadka Taleefoonka ay ka wada haleen

Madaxweyne, vladimir putin, ayaa u rajeeyay dalka Turkiga in uu dib ugu soo noqdo nidaamkii iyo xasiloonidii ka jirtay, ka hor Inqalaabka dhicisoobay,

Bayaan, laga soo saaray xarunta Kirimiliinka Ruushka, ayaa lagu sheegay in wada hadalada khadka Taleefoonka ku dhex maray labada Madaxweyne Sabtidii Shalay  ay sidoo kale iskula soo qaadeen amuuraha danaha ay wadaagan Ruushka iyo Turkiga.

Waxaana bayaankaasi lagu sheegay, in tan iyo markii labada dal ay ku heshiyeen khilaaf xagga siyaasadda ah, ay korartay tirada Dlxiisayaasha Turkiga ee tagaya Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, ayaa dhigiisa Ruushka u cadeeyay inay Xukuumadda Ankara ay damnad qaadayso ,nabadgalyada Dalxiisayaasha Ruushka ee u tamashle tagaya dalka Turkiga.

ruush-iyo-tur-640x360