Faah faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay Magaalada Marko

0

Ciidamada ka tirsan Amisom ayaa maanta qarax lagula eegtay Magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegay inuusan geysan wax khasaaro ah isla markaana aysan wax khasaaro ah u geysan Ciidamada Amisom ee qaraxa lala damacsanaa.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay kolonyo gaari ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Amisom.

Saraakiisha ciidamada Amisom weli ma aysan ka hadlin qaraxa ciidamo ka tirsan Amisom lala eegtay.

Sidoo kale Maamulka gobolka Sh/Hoose dhankooda ma aysan ka hadlin qaraxa ka dhacay Magaalada Marko.