Dowlada Faransiiska oo ku dhawaaqday Arrin laga wada naxay..

0

Maalmo ka dib markii nin watay gaari xamuul ah uu magaalada Nice ee dalka Faransiiska ku dilay 84 qof, ayaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi, Bernard Cazeneuve, waxa uu u yeeray ilaa 12,000 oo askarta keydka ah, si ay u xoojiyaan ammaanka dalkaasi bilaha soo socda.

Daalka ka muuqda laamaha ammaanka ee Faransiiska ayaa muujinaya dhibaatadda dalkaasi haysata.

18 bilood gudahood ayaa waxaa Faransiiska ka dhacay 3 weerar oo waaweyn, waxaana weli dalka lagu dhaqayaa xaaladda degdega ah.

Wasiirka arrimaha gudaha, Bernard Cazeneuve, ayaa hadda sheegaya in weerarkii Nice uu muujiyay qaab cusub oo horleh, kaasoo ah in weerarrada ay fuliyaan shakhsiyaad ay adag tahay in lasii ogaado.

Waxa uu ku baaqay in ilaa 12,000 oo ka mid ah askarta keydka u ah dalkaasi, ay gacan ka geystaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Faransiiska bilaha soo socda.

Mr Cazeneuve ayaa sidoo kale ugu baaqay kuwa dalkooda jecel, in ay si mutadawacnimo ah uga qeyb qaataan sugida ammaanka.

Weerarkii Nice ka dhacay Khamiistii, ayaa dowladda kusoo kordhiyay cadaadis dheeraad ah oo uga imanaya axsaabta mucaaradka ah, waxaana ay ku dhaliilayaan in aanay sugin ammaanka shacabka.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog, Marine Le Pen, ayaa ugu baaqday Mr Cazeneuve in uu iscasilo, iyada oo sheegtay in Faransiiska uu is-difaaci karo, balse aanu lahayn hogaamiyayaal adag.