DHAGEYSO:- IGAD oo ka jawaabtay Eedeymo loo jeediyay, shaacisay ineysan fara gelin ku heyn Odayaasha Hiiraan

0

Wakiilka Urur Goboleedka IGAD  u qaabilsan Soomaaliya,Max’ed Cabdi Afeey ayaa sheegay in Shirkii ay Baladweyne kula yeeshay Odayaasha Hiiraan uu ku soo dhamaaday  natiijo la’aan kadib markii sida uu sheegay Odayaasha ay hor dhigeen Shuruudo adag.

Afey waxaa uu sheegay in Odayaasha ay soo jeediyeen in Gobolka Hiiraan laga dhigo Labo Gobol,taas oo uu sheegay in aysan ku jirin Howsha IGAD,waxaana uu sheegay in arrintaasi ay u taallo Dowladda Soomaaliya iyo Dastuurka u qoran.

Waxaa kale oo uu sheegay in IGAD howsheedu tahay fududeynta dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Qaar ka mid ah Odayaasha Hiiraan oo ka biya diiday Dhismaha Maamulka ay yeelanayaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,ayaa waxaa y shir ku yeesheen Baladweyne.waxaan ay ku go’aamiyeen in Hiiraan laga dhigo labo Gobol Maaddaama uu ka soo haray 8ddii Gobolka ee lagu aasaasay Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-