DHAGEYSO:- Faah faahin Dagaal ka socda magaalada Qoryooley iyo khasaaraha oo sii kordhaya

0

Magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa caawa ka socda dagaal udhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilwday kadib markii AMISOM ay weerar xoogan ku qaadeen magaalada Qoryooley oo galabta ay la wareegeen Al-shabaab.

Waxaana ilaa iyo hada magaalada Qoryooley ka socda dagaal udhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab.

Goob jooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay weerar ku soo qaadeen Al-shabaab oo galabta la wareegay magaalada Qoryooley, iyadoo sidoo kalena uu sheegay goob joogaha in ilaa iyo hada uu dagaalka socdo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka udhaxeeya ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ee ka socda magaalada Qoryooley.

Hoos ka Dhageyso Codka:-