DAAWO SAWIRADA:- Wafdi Ka Socda Imaaraadka Oo Booqday Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye Ee Muqdisho

0

Wafdi sare oo ka socoday dowladda Imaaraadka carabta ayaa booqasho ku tagay akadeemiyada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Wafigan ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale oo ciidanka ah.

Salaan sharaf ayaa waxay wafdigani ka qaateen cutubyo ka mid ah ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana soo dhaweyn kadib ay la kulmeen saraakiisha Booliiska oo ugu horreeyo taliye Xaamud.

Uljeedka booqashadooda ayaa lagu sheegay inay la xiriirto taageeridda dowladda Imaaraadka ee Booliiska Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

2-1024x576 3-1024x576 5-1024x576 7-1024x576 8-1024x576 9-1024x576 10-1-1024x576 Marko weekly12