Cayaaraha: Kooxda Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo ka badiyay Kooxda Jubbaland.

0

Ciyaar qayb ka ahayd tartanka kubbadda cagta ee maamul-gobaleedyada Soomaaliya ayaa ka dhacday, garoonka kubbadda cagta ee Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo u dhex maray labada kooxood ee kubbadda cagta ee maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayay labada dhinacba soo bandhigeen cayaar-wanaag farsamaysan iyo dadaal dhinac walba ku doonayay in uu uga guulaysto kooxda kale.

Kooxda ku cayaaraysay, magaca maamul-goboleedka lagu hawlan yahay dhismihiisa ee ay ku midays naan doonaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa qayb tii hore ee cayaarta nasiib u yeelatay, inay la timaaddo laba gool.

Labada gool ayaa waxaa kooxda u kala dhaliyay, Xasan Yuusuf Macallin iyo Maxamed Maxamuud Axmed.

Qaybtii labaad ee cayaarta ayaa cayaar yahannada Jubbaland waxa ay heleen hal gool oo si kama’ ah ay isaga dhalisay, kooxda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kaasoo uu koxdooda ka dhaliyay Maxamed Maxamuud Axmed.

Cayaarta ayaa wakhtigii logu talagalay ku dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday cayaar-yahannada u tartamayay Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Cayaarta xigta ee qaybta ka ah tartanka ayaa lagu wadaa inay dhex marto cayaar-yahannada maamullada Koonfur-galbeed iyo Puntland.

kooxda Jubbaland