Akhriso:- Taariikhda Afgembiyaddii Milliteri ee ka dhacay dalka Turkiga

0

56 sanno ka hor ayuu Afgembigii ugu horreeyey ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo uu ku daatay dhiig badan.

Bishii May 27-dii ee sannadkii 1960-kii ayaa waxa uu Afgembigii ugu horreeyey ka dhacay dalkaasi, kadib, markii uu Xukuumadii uu hoggaminayey Ra’isul-wasaare Cadnaan Menderes iyo Madaxweyne Kelal Bayar  oo uu Khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyey Xisbiyadda mucaaradka iyo Ciiddamadda.

Xukuumadda ayaa bilowday inay dib loo furo Masaajidda iyo Dugsiyadda Cusub ee Diinta, waxayna dadka ugu baaqeen in Salaada lagu tukado Afka Carabiga, halkii Luqadda Turkiga looga tukan lahaa.

Dowladda waxay soo rogtay Sharci Saxaafadda looga mamnuucayo Maqaalaadka lagu naqdinayo Dowladda.

Kadib, xiisado iyo deganaansho la’aan ka dhacday dalkaasi waxa uu Ra’isul-wasaaruhu soo rogay Xukun Degdeg ah, inakastoo markii dambe Dowladda la afgembiyey, lana xiray Madaxweynaha, Ra’isul-wasaaraha iyo qaar ka mid ah xubnihii Dowladda.

Ugu dambayntii, Ra’isul-wasaare Cadnaan Menderes waa la daldalay.

Bishii September ee sannadkii 1980-kii waxa dalka Turkiga mar kale ka dhacay  Afgembi Milliteri, waxayna Ciiddanka soo rogeen Xukun Degdeg ah.

Intii ay Milliteriga xilka hayeen  waxaa la waayey boqolaal kun oo qof, kuwaasi oo la dilay, ama la jir dilay ama laga waayey raqdooda iyo ruuxooda,

Sidoo kale, sannadihii 1997-dii waxaa Turkiga ka dhacay Afgembi Milliteri oo lagu kala diray Dowladii lagu soo doortay Doorashadda Dimuqraadiga.

Afgembigii 4-aad ayuaa xalay dhacay, inkastoo uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ka badbaaday Isku-daygii looga tuuri lahaa Xilka Madaxtinimadda.

Hoggaamiyihii Afgembiga  iyo tiro ka mid ah Saraakiishii kala qeyb gashay Afgembiga dhicisoobay ayaa isku dhiibay, waxaa la dilay 104 Askari,  iyadoo 3.000 qof oo isugu jirta Saraakiil iyo Askar loo taxaabay Xabsiga.

Dowladaha Caalamka ayaa cambaareeyey Afgembigaasi, kuna tilmaamay mid looga soo horjeedo Dimuqaraadiyadda iyo Deganaanshaha dalkaasi.