Saraakiil iyo Ciidan loo xeray afgambigii fashilmay ee ka dhacay Dalka Turkiga

0

Qaar ka mid ah saraakiisha hogaamineysay isku dayga afgambiga ee Fashilmay ayaa xabsiga la dhigay, waxaana la sheegay in ay gaarayaan 754 oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidan.

Sidoo kale waxaa weli la baadi goobayaa Saraakiil kale oo ku lug lahaa sida la sheegay Afgambiga dhicisoobay kuwaasi oo la sheegay iney yihiin baxsad.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa hada shir guddoominaya shir deg deg ah oo uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, kaa soo looga hadlayo xaalada soo food saaray Turkiga.

Sidoo kale waxaa shirkan deg deg ah loogu hadlayaa sida loo wajahayo wixii ka hacay dalka Turkiga.

Shacabka Dowlada Turkiga oo ay wehliyaan Booliska iyo Sirdoonka ayaa xalay bilaabay inay xir xiraan ciidamadii ka qeyb qaadanayay isku dayga afgambiga fashilmay, waxaana shacabka reer Turkiga ay muujiyeen geesinimo oo ay ku bad baadiyeen dowladooda.