Mareykanka oo ka hadlay Arrimo quseeya Dowlada Sacuudiga, kana jawaabay Arrimo dhowr ah

0

Aqalka cad ee dalka Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in macluumaadkii markii hore sirta ahaa ee Jimcihii la daabacay ay muujinayaan in saraakiisha Sacuudigu aysan wax door ah ku lahayn weerarkii dhacay 9/11.

Sharcidajiyeyaasha iyo qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatadu soo gaartay ayaa u ol’olaynayay muddo sanado ah in la daabaco, iyaga oo sheegayay in saraakiil sare oo Sacuudiyaan ah ay kaalin ku lahaayeen weerarkaas.

Qaybo ka mid ah qoraalkaas 2002 ayaa muujinaya in laga yaabo in dadka weerarka gaystay ay gacan maaliyadeed ka heleen dad ku sugan gudaha Sacuudiga.

15 ka mid ah 19-kii ruux ee diyaaradaha afduubtay ee gaystay weerarkii 2001-dii ayay dhalashadoodu ahayd Sacuudiyaan.

Ku dhawaad saddex kun oo ruux ayaa dhintay kaddib markii si ula kac ah diyaaradihii ay saarnaayeen lay ugu dhufeen Xaruntii Ganacsiga Adduunka iyo wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka.

Diyaarad kale oo la afduubtay ayaa lagu soo riday Pennsylvania.

Sanad kaddib guddi madaxbanaan ayaa dhamaystiray warbixintii 9/11.

Laakiin dhaw qaybood oo markii hore la dhihi jiray “the 28 Pages” ayaa dadka laga qariyay muddo 13 sano ah.

Xigasho BBC