Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Heer Qaran

0

Guddiga Doorashada ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay doortay Guddoomiyaha Guddigaas, kadib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Abuukaate Cumar Maxamuud Cabdulle oo loo yaqaano Cumar Dhagey ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga taaba gelinta Doorashooyinka dadban ee heer Qaran.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 22 xubnood ayaa isku raacay inay in Abuukaate Cumar Dhagey u doortaan Guddoomiyaha Guddiga.

Abuukaate Cumar Dhagey ayaa ah La Taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca sharciga, waxaana horay u soo baxayay warar sheegayay in Madaxweynaha uu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga doorashada.

Guddigan ayaa howshiisa tahay hirgelinta doorashada, iyadoo howsha ugu egtahay marka la soo xulo Baarlamaan cusub, kuwaasoo soo dooran doona Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo kan Madaxweynaha.

Jadwalkii dhowaan ay soo bandhigeen Madasha Wada tashiga qaran ayaa waxaa ka muuqda dib u dhac badan, maadaama horaanta bishan lagu wado in la guda galo qorshayaasha doorashada.