Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibada maraykanka u qaabilsan Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada kigali ee wadanka Rwanda kulan kula qaatay maanta kaaliyaha,xoghaya arimaha dibada maraykanka u qaabilsan afrika Linda Thomas-Greenfield.

Afayeenka Madaxwenaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay arimo dhowra ah oo ay ka mid yihiin arimaha doorashada sanadkaan ka dhici doonta soomaaliya,waxayna isku afgarteen in soomaaliya ay ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Afeeyaanka ayaa sidoo kale sheegay in ms Linda Thomas-Greenfield ay ku amaanaty dowladda soomaaliya sida ay uga go’antahay in ay dalka ka dhacdo doorasho dimuquraadiyad ah,waxayna sheegtay in dowlada marakaykanka ay garab taagantahay soomaaliya.

Saakay ayay aheed markii Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen magaalada kigali ee wadanka Rwanda ayagoo ka qeybgalaya shir madaxeedka wadamada Africa oo halkaasi ka furmaya.