Madaxweynaha Dalka Turkiga oo ka hadlay Afgambigii dhicisoobay

0

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka soo muuqday telefishin gaar loo leeyahay isaga oo ay ku hareereysan yihiin taageerayaal badan kuna sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kuwa ka dambeeyay afgembiga u muuqda inuu dhicisoobay, ay muteysan doonaan ciqaab adag isla markaana uu si adag ula xisaabtamayo.

Waxa uu intaa ku daray in hadda loo baahan yahay nadiifinta ciidanka qalabka sida ee dalkaasi, waxa uuna u mahad celiyay ciidankii ka hortagay afgambiga.

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa shacabka dalkiisa ugu baaqay in ay banaanbaxyo isugu soo baxaan, kana soo horjeestaan wixii dhacay.

Shacabka Dalka Turkiga ayaa taageero badan siiyay Madaxweyne Erdogan, kana qeyb qaatay in uu fashilmo isku daygaasi afgambi.