Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Dab Xoogan oo xalay ka kacay Magaalada Baladweyne

0

Xaaladda Guud ee goobihii uu dabka ka kacay ayaa degan iyadoona saaka lagu arkayo dad weyne fara badan.

Dabkii Xalay ayaa waxaa ku basbeelay Hanti fara badan gaar ahaan Dukaanka uu dabku ka kacay ugu horreyn ee Magaalada Baladweyne ku yaalla.

Weli waxaan la ogeyn waxa ugu wacan dabkaasi xalay ka kacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne ayaa si weyn isugu soo gurmaday waxaana ka qeyb qaatay daminta dabkaas Booyado fara badan.

Ma jirto tiro koob rasmi ah iyo cid ka tirsan masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadashay khasaaraha dabkaas.