DEG DEG:- Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug oo goor dhaw geeriyooday

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goor dhaw Shil Gaari oo ka dhacay Degaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug ay ku Geeriyoodeen Labo Wasiir Dowle oo ka tirsan Galmudug iyo Labo Ruux oo kale oo mid uu Oday Dhaqameedka Galmudug ka mid yahay.

Wasiiradda ayaa waxaa ka mid ah Wasiir Dowlaha Howlaha  Guud ee Galmudug Aweys Cali Saciid iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyada Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa Dadka halkaa ku dhintay ku jira Allaha u naxariistee Nabadoon C/llaahi Digsi oo ka mid ah Waxgaradka Galmudug iyo Askari Ilaalo u ahaa Wasiiradda Geeriyooday.

Mas’uuliyiinta Shilka ku dhintay ayaa ka baxay Magaalada Cadaado, waxaana ay u socdeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.