DEG DEG:- General C/llaahi Gaafoow oo si rasmi ah loogu Magacaabay Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ugu Magacaabay General C/llaahi Gaafoow oo horay loogu magacaabay si KMG ah.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in general Gaafoow uu yahay Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Bishii hore ayay ahayd markii General C/llaahi Gaafoow si KMG ah loogu magacaabay Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed, waxaana xilligaasi xilka laga qaaday General C/raxmaan Tuur yare.