DEG DEG:- Dowlada Turkiga oo shaacisay Magaca Sarkaalkii hogaaminaayay afgambigii fashilmay

0

Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa goor dhow shaacisay Magaca Sarkaalka hogaaminayay isku dayga afgambiga ee fashilma.

Sargaalka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Kornell Muharrem Kose, waxa uuna horay ugu tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Dowlada Turkiga.

Kornell Muharrem Kose ayaa waxaa horay looga eryay ciidamada, ka dib markii lagu helay inuu taageero wadaadka Fethullah Gulen.

Xaalada Dalka Turkiga ayaa caadi ku soo laabaneysa, iyadoo dadweynaha Turkiga ay waddooyinka isugu soo baxeen.