Banaanbaxyo Maanta ka dhacaya Muqdisho iyo Wadooyin waa weyn oo la xeray

0

Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto banaanbax loogu soo horjeedo afgambigii fashilmay ee ka dhacay Dalka Turkiga.

Masuuliyiinta sare ee maamulka gobolka banaadir ayaa shaacisay in maanta Muqdisho lagu qabanayo banaanbax weyn oo loogu soo horjeedo wixii xalay ka dhacay dalka Turkiga.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka gobolka banaadir ayaa sheegay in banaanbaxaan ay ku muujinayaan sida shacabka Muqdisho ay ugu xun yihiin afgambigii fashilmay ee xalay ka dhacay Dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa mashaariic kala duwan ka wada Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay sameysaa barnaamijyo lagu caawinayo dadka danyarta ah eek u nool Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Soomaaliya ku sugan Dhaqaatiir, ganacsato, iyo saraakiil ciidan oo u dhashay dalka Turkiga.