Banaanbax loogu soo horjeeday afgambigii fashilmay ee Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

0

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay Banaanbax loogu soo horjeeday afgambigii fashilmay ee ka dhacay Dalka Turkiga, waxaana banaanbaxaasi soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamulka gobolka Banaadir, iyo shacab fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa Banaanbaxa ka qeyb galay qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho.

Shacabkii iyo Madaxdii ka qeyb gashay Banaanbaxa ayaa socod ka bilaabay Taalada Daljirka dahsoon ee Muqdisho waxayna socodkooda ku tageen Xarunta Safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay noqonayaan shacabkii ugu horeeyay ee muujiyay dareenkooda ku aadan afgambigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga.

Sidoo kale Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka Turkiga.

Sidoo kale waxaa banaanbaxayaasha ka hor hadlay una mahad celiyay Aadan biyoos oo ah Sargaal ka tirsan Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Millatariga dalka Turkiga ayaa isku dayay iney afgambi ku qabsadaan dalka Turkiga oo ay kala wareegaan talada Dalka Madaxweyne Recep Dayib ordogan.