AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga iyo Rasaas weli la maqlayo

0

Askar ka tirsan milatariga Dalka Turkiga ayaa Xalay Saacado badan heystay awooda dalka Turkiga,, waxaana la arkaayay diyaarado dagaal oo joog hoose ku dulmaraya caasimadda Ankara.

Ciidanka Millatariga ayaa xiray buundooyinka Bosphorus iyo Fatih Sultan Mehmet ee ku yaalla magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Sidoo kale Taangiyo ayaa waxaa lagu jaray wadooyinka gala garoomada diyaaradaha ee Magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.

Isku dayga afgembi ayaa dhacay xilli uu madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan fasax uga maqnaa caasimadda dalka balse si deg deg ah ugu soo laabtay magaalada Ankara.

Waxaa Saakay degan Xaalada Magaalooyinka dalka Turkiga inkastoo rasaas weli laga maqlayo qeybo ka mid ah dalka Turkiga.

Ciidamada amaanka ee dowlada Turkiga ayaa waxaa la sheegaya in ay dib ula wareegeen magaalooyinkii iyo Xarumii laga qabsaday.