XOG RASMI AH:- Maxaa ka cusub Waan waanta ay ka dhex wadaan Maamulada Koonfur Galbeed iyo Bakool sare Gabre,Afey iyo Siyaasiyiinta kale ?

0

Magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool waxaa maalin ka hor gaaray Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo sidoo kale Siyaasiyiin Xilal kala duwan hore uga soo qabtay Soomaaliya.

Ujeedka Wafdiga ayaa ahaa sidii loo soo af-jari lahaa khilaaf u dhaxeeya maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceel-barde.

Danjiraha Ururu Gobaleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey ayaa degmada Ceel-barde ku amaanay nabad galyada ka jirta deegaanka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wax lagu farxo ay soo bixi doonaan kulanka ay la qaateen maamulka iyo odayaasha deegaanka.

Xildhibaan C/wahaab ugaas xuseen ugaas khaliif oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in khilaafka udhaxeeya maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare lagu dhameyn magaalada Muqdisho oo halkan ay kulan ku yeelan doonaan.

Wafdiga dowladda Soomaaliya iyo Ururu Gobaleedka IGAD ee gaaray degmada Ceel-berde ee gobolka Bakool, ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah u leedahay in wada hadal lagu dhameyo khilaafka u dhexeeya bulshada iyo siyaasiyiinta Bakool Sare iyo Dowlad Gobaleedka Koofur Galeed Soomaaliya.