DHAGEYSO XASAASI:- Puntland oo Jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeeray Galmudug

0

Taliska ciidamada Booliska ee gobalka Bari ayaa beeniyey warar ay sheegeen maamulka Koonfurta magaalada Gaalkacyo, kaas oo ahaa in ay qabteen Agabyo ciidan oo loo waday Al- Shabaab kana soo dagay magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidamada Boliska ee gobalka Barri Col, Cabdixakiim Yuusuf ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin arrintan, uuna yahay war ay iska sheegeen kooxaha koonfurta Gaalkacyo.

Taliyuhu wuxuu sheegay in uu sugan yahay amniga gobalka Bari, aana laga soo dajin Karin xeebaha Puntland wax hub ah, oo uu sugan yahay amaanka iyo kala dambeyna deegaanada Puntland.

CabdiXakiim wuxuu sheegay in dano Siyaasadeed laga lahaa arrintan, isagoo tilmaamay in ay dawladda Puntland u aragto in ay ka xun tahay Galmudug amaanka iyo horumarka ka hana qaaday mandiqada, taas bedelkeedana wuxuu sheegay in Galmudug looga baahan yahay in ay sugtaan amaankooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO