XOG:- Maxaa looga hadlay Kulankii Albaabada u xernaa ee Xasan Sheekh uu hogaaminaayay ?

0

Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulankaasi oo ay goob joog ka ahaa Guddommiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, gudomiye ku-xigeenada Gobalka iyo Taliyaha Cidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa intii u socday waxaa looga Hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen dardargalinta adeegayada bulshada ay u hayaan Maamullada Degmooyinka Gobalka Banaadir, sare u qaatista Bilicada Caasimadda iyo xoojnta isdhexgalka Bulshada ku wada nool Maqaalada Muqdisho

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulankaasi ayaa kula dardaarmay Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardargeliyaan howlaha ammniga, nadaafadda iyo xiriirka ay bulshada la leeyihiin, si loo helo bulsho iyo Maamul si wanaagsan u wada shaqeeya.

Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa Madaxweynaha Dalka warbixin ka siiyay waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.