WAR DEG DEG:- Madaxweynaha oo si rasmi ah u furay Cayaaraha Maamul Goboleedyada

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Goor dhaw si rasmi ah u furay Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo ka biloowday Garoonka K/cagta ee Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Cayaaraha Heerka Gobol ay si rasmi ah u furan yihiin,waxaana uu Xusay in wax lagu farxo ay tahay in Xulal kala matalaya Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah Dolwadda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka akle waxaa qeyb ka ah Madaxda ka qeyb galeysa Cayaarta u dhexeysa Gobolka Banaadir iyo Koofur Galbeed oo Galabta lagu furay Tartanka Madaxweynaha Koofur Galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.