WAR DEG DEG:- Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Kufsiga la sheegay in AMISOM gaysteen

0

Abaanduulaha Ciidamada Xoogaga ee Gobolka Hiiraan, Korneel Maxamed Cumar Cabdulle ayaa beeniyay wararka ku aadan in Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Degaanada Gobolkaasi ay kufsi kula kaceen Caruur yar yar.

Korneel Maxamed Cumar Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu been abuur ku tilmaamay hadalkaasi la xiriira Kufsiga waxuuna intaasi ku daray in Ciidamada AMISOM ay dalka u joogan sugida Nabada.

Waxuu cod dheer ku sheegay Korneel Maxamed in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay yihiin kuwa u jooga sidii ay Dowladda Federaalka uga taageeri la haayeen helida Nabad iyo Xasilooni, isagoona qeexay in aysan jirin wax dhibaato ah oo ay u geysteen Shacabka Reer Hiiraan.

“Waa been aan sal iyo raad toona la heyn wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay kufsi ka geysteen Degaano hoostaga Gobolka Hiiraan” ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada Xooga ee Gobolka Hiiraan.

Hadalkan Abaanduulahan ayaa waxuu imaanayaa maalmo un kadib markii hogaamiyaha Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda uu shaaca ka qaaday in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay kufsi ka geysteen Degaano dhaca Gobolka Hiiraan.