WAR DEG DEG:- Ciidamada Maamulka Galmudug oo ku jaheystay Degaan Al-Shabaab ku sugan yihiin

0

Madaxa howlgelinta Ciidamada Galmudug ee Gobolka Mudug, C/kariin Maxamed Maxamuud ayaa ka warbixiyay dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolkaasi waxuuna xusay in ay ku wajahan yihiin Degaano iyo Degmooyin ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Taliye C/kariin Maxamed Maxamuud oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan in Doonyo hub u sida Al Shabaab ay ku soo xirteen Xeebaha ku yaalla Degaano ka tirsan Gobolka Mudug, isagoona xusay in ay ka go’an tahay ka hortaga weerarada qorsheysan ee Al Shabaab.

Geesta kale, Madaxa howlgelinta Ciidamada Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay in Degaano hoostaga Degmada Xarardheere ay ku Dagaalamayeen Dad xoolo dhaqato ah iyo Xubno ka tirsan Al Shabaab, islamarkaana Dagaal yahano badan ay Al Shabaab soo dhoobeen Degaanadaasi.

Xarakada Al Shabaab ayaa weli waxey maamushaan Degmada Xarardheere iyo Degaano kale oo hoostaga Gobolka Mudug ee bartamaha Dalka Soomaaliya.