WAR DEG DEG:-Al Shabaab oo ka hadashay Weerarkii Maanta Dhacay

0

War kooban ayaa goor dhaweyd lagu daabacay Baraha internetka ay wararka ku faafistaan Ururka Al Shabaab iyagoo ku faanay inay dileen Askar badan oo Kenyaan ah.

Sida ay la socdeen Akhristayaasheena oo usoo gudbinay waxa maanta wadada loo galay Ciidanka Kenya oo ka yimid Deegaanka Buusaar kuna wajahnaa dhinaca Degmada Ceel waaq Ee kawadatirsan Gobolka Gedo.

Al Shabaab ayaa si hordhac ah waxay usheegeen in labo gaari ay gubeen oo ah nuuca gaashaaman kadib ciidankooda gaarka ah oo howlgalkaasi fuliyey.

Warka Al shabaab waxa intaasi lagu daray in toban Askari oo meliteriga Kenya katirsan in ay ku dhinteen weerarkaasi jid galka ahaa tirokalena ay ku dhaawaceen,waxaana shabaabku ay ballan qaadeen faah faahino intaan kabadan.

Ciidanka AMISOM ee Kenya ayaa wajahaya Culeys kaga imaanaya Ururka Al Shabaab iyadoona gudaha Soomaaliya iyo Waddanka Kenya intuba weeraro argagaxisanimo la kulmaya.