TOP+SAWIRRO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Fariin u diray Ciidamada Booliska

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Shekh Maxamud iyo Wasiirka Amniga Qaranka ,Taliyaha Ciidanka booliiska  ayaa  ka qeyb galay  Munaasabad lagu qabatay Dugsiga Janaral kaahiye oo tabar loogu soo xirayay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed kuwaa soo mudo tabar ugu socday Dugsiga tababarada ciidamada booliska sooomaaliyeed ee janaraal kaahiye

Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed G/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa sheegay in saraakiishaan cusub ay qeyb ka  yihiin dib u habbeyn guud  oo ku socota ciidammada Booliska Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa tilmaamey in dedaal xoog leh uu sameeyey taliska ciidanka oo kaashanaya wasaaradda Amniga laguna guuleystay in si dhab ah loo fuliyo go’aankii madaxweynaha ee dib u habeynta ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay taliyaha ciidammada Booliska dedaalka uu sameeyey,waxa una u hambalyeeyey saraakiisha cusub ee nooqtay Jaamiciyiintii ugu horreysay ee Taariikhda ka soo baxa dugsiga Jeneraalk Kaahiye.

1 2 3