TOP DHAGEYSO:-War aan ka helnay Nin lagu Xiray Saldhiga Magaalada Jowhar

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka amniga magaaladaasi ay howlgal kusoo qabteen nin la raadinayey.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Jowhar Maxamd Siyaad Canjeex ayaa saxaafada qaarkeed usheegay in ciidanka ay hayaan nin gacan ku dhiigle ah oo dhawaan dil ka geystay Degmada mahadaay.

Waxa uu taliye Canjeex tibaaxay in ninkaani sharciga la hor geyn doono islamarkaana hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska degmadaasi.

Dhinaca kale Taliska Booliska Degmada Jowhar waxay ku faaneen inay Al Shabaab ka ciribtireen Degmadaasi oo inta badan shacabka iyo ciidanka ay kawada shaqeeyaan amniga xaqiijintiisa.

Degmada Jowhar ayaa ah Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe waxaan weli taalla gogosha shirka maamulka loogu sameenayo Hiiraan iyo Sh.Dhexe walaw hadda la leeyahay shirkaasi waa mid ku dhaw in uu soo xirmo fashilna kusoo idlaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO