TOP DHAGEYSO:- C/raxmaan Faroole oo Digniin Culus ka bixiyey Doorashada

0

Xilli loo hanqal taagayo xilal fiican in laga helo Doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta ayaa hadana waxa Jira digniin laga bixinayo qaabka ay wax ku imaan karaan.

Bil wax ka yar ayaa hadda ka dhiman doorashada inkastoo saan saan muuqata nidaam doorasho uusan Dalkii ka socon iyo olole sidaa ubuuran ah oo murashaxiintu gudaha waddanka ka muujinayaan.

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo Imaaraat-ka Carabta hadda kusugan bilo ka horna shaaciyey inuu yahay murashax utaagan qabashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ka hadlay Arin Xasaasi ah.

Waxa uu Dr C/raxmaan Faroole kadigay in Xildhibaanada Cusub ee Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee Imaan doona ay la yimaadaan shaqo iyo waxtar ka fiican kuwa ay badelka uyihiin.

Fariin ayuu udiray Mujtamaha ku dhaqan Deegaanada Puntland isagoo sheegay in loo baahan yahay Xildhibaanka ay soo dirsanayaan inuu noqdo mid dadka iyo deegaanka wax uqaban kara.

HALKAAN KA DHAGEYSO