TOOS U DHAGEYSO:- Ciidan Kenyaan ah oo maanta lagu laayey G.Gedo

0

Dableey hubeysan ayaa jimcaha maanta ah waxay wadada ugaleen gaadiid ay la socdeen Ciidanka AMISOM oo marayey deegaano katirsan Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilowday hubka garbaha laga rido ee baasuukayaasha ayaa lasoo sheegayaa in ciidanka Kenya ay khasaaro xoogan kasoo gaartay.

Deegaanka Buusaar Ee Gobolka Gedo ayey ka yimaadeen Askarta jidka loo galay waxaana ay ku wajahnaayeen Degmada Ceel Waaq waxaana dhimasho iyo dhaawac la tilmaamay in goobta laga daad gureeyey.

Dad kusugan meel ku dhaw goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxay usheegeen warbaahinta in uuro iyo cataaw badan ay maqlayeen inta dagaalka uu socday ciidanka kenyana ay markii dambe goobta gaadiid la gubay ka jiiteen.

Waxa loo maleenayaa in Ururka Al Shabaab weerarkaasi ka dambeeyeen inkastoo weli aysan ka hadlin wixii maanta ka dhacay Gobolka Gedo ee khasaaraha lagu gaarsiiyey Askarta AMISOM kuwooda ka socda Dalka Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO