Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Duleedka Degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe

0

Shilkan oo ka dhacay Duleedka Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 4 Ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Caruur, halka 5 kalena uu dhaawac ka soo gaaray.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in Shilkaasi Gaari uu ka dhacay Degaanka Buroow oo qiyaas ahaan 15Km dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Jowhar.

Gaarigan ayaa rogmaday sida la sheegay kadib markii darawalka uu xawaaro ku waday Gaarigaasi xili wadooyinka intooda badan ay yihiin kuwa burbursan.

Dadka dhaawacmay ayaa loola soo cararay Isbitaal si halkaasi xaaladoodu caafimaad loogula tacaalo, sida uu Goobjoogahaasi u sheegay Idaacadda Shabellle ee Magalada Muqdisho.

Shilalka Gaari ayaa inta badan waxaa loo aaneeyay dareewalada oo qaarkood la sheego in aysan wax qibrad ah u la heyn kaxeynta Gaadiidka iyo wadooyinka oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii meesha ay ka baxday ama burburtay Dowladdii Dhexe ee Dalka.