Rai’sal wasaaraha cusub ee Britain oo War Cusub iyo go’aano soo saartay

0

Rai’sal wasaaraha cusub ee Britain Theresa May ayaa sheegtay in loo baahanyahay in UK ay labanlaabto dadaalka ay ugu jirto in laga guulaysto argagixisonimada.

Intii ay hadalkaas sheegaysay waxay cambaaraysay dadka “dilalka arxan darrada ah gaysanaya sida kan ka dhacay magaalada Nice”.

Rai’sal wasaaruhu waxay sheegtay in Britain ay garabtaagan tahay Faransiiska, kaddib makii gaari xamuulka qaada lagu dhex eryay dad damaashaadayay.

Dhacdadaas waxaa ku dhintay 84 ruux waxaana ku dhaawacmay 50 ruux.

Dadkaas dhaawaca ahna Madaxwaynagha Faransiisku wuxuu ku tilmaamay kuwo geeri iyo nolol u dhaxeeya.

Xafiiska Rai’sal wasaaraha ee Downing Street wuxuu sheegay in tiro yar oo Biritish ah ay ku dhaawacmeen dhibaatada Faransiiska ka dhacday.