Qaxooti isku dilay iskana dhaawacay Dad badan Dalka Giriiga

0

Sida ay baahiyeen Warbaahinta isku dhac ayaa laga soo sheegayaa in dad qaxooti ah uu ku dhexmaray Xero ay ka deggenaayeen Waddanka Giriiga.

Xerada ayaa waxay ku taallaa meel udhaw Caasimada Dalkaasi Ee Athens waxaaa la sheegay in hal qof oo Afgaanistaan udhashay uu ku dhintay iskudhacaasi.

Booliska Magaalada Athens ayaa Khamiistii xaqiijiyey in wiil dhalinyaro 20 jir Afgaanistaani ah uu ku dhintay isku dhacaasi iyadoo labaatameeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xerada Qaxootiga ee dhibku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Hellinikon waxaana dadkii dhaawacmay la geeyey Cusbitaal iyadoo labo ka mid ah dhaawacyadu Halis yihiin.

Inkabadan 57 kun Qaxooti ah ayaa hadda kusugan Giriiga kuwaasi oo doonaya inay Yurub sii aadaan inkastoo Xuduuda laga xirtay halkaasina ay ku xaniban yihiin.

Seddex Kun oo Qaxootigaasi ka mid ah ayaa ah Afgaanistaaniyiin kuwaasi oo kusugan Xerada Qaxooti Ee Hellinikon.