Maxaa Maanta ka Cusub Muqdisho oo laga sugaa Guud ahaan Gobolada Dalka ?

0

Tartanka Ciyaaraha gobolada dalka ayaa galabta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana Tartankan uu yahay mid aad uxiiso badan.

Furitaanka Tartankan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee dowladda.

Magaalada muqdisho shalay waxaa soo gaaray ciyaartooydii ma tali laheyd goboladda dalka si ay uga qayb galaan tartanka horyaalka  kubada cagta gobalada dalka  soomaliyeed oo maanta ka furmi doono caasimada Muqdisho.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta lagu wado in la furo koobka ay ku tartami doonan gobolada dalka.

Wasiir nuux ayaa sidoo kale balan qaaday in tartanka kan xiga lagu qaban doono Garoonka weyn ee Muqdisho oo hadda ah xero si kumeel gaar ah ay u dagan yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM.