Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay dalka Faransiiska

0

Madaxweynaha Jamhuuryada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Madaxweynaha ayaa weerarkaasi ku tilmaamay fal argagixiso oo waxashnimo ah, wuxuun dhiggiisa dalkaasi uga tacsiyeeyay mashaqadaasi ka dhacday dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay la xanuunsanayaan dowladda iyo dadka reer Faransa.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan ka tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi lagu laayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, si gaar ah waxaan ugu tacsiyeeyneynaa ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday falkii ka dhacay magaalada Nice” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in argagixisadu ay ka soo horjeeddo horumarka iyo ilbaxnimada dhamaan ummadaha ku nool caalamka, isagoo hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in caalamku meel uga soo wada jeesto la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay iney si adag ula dagaalanto kooxaha argagixisada, oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadow caalami ah, wuxuuna ku taliyay inaan la dhayeelsan halista argagixisada oo si caalami ah loola dagaalamo.

Tirada dadka ku geeryooday weerarkaasi ka dhacay magaalada Nice ayaa gaartay 84 qofood.