Kenya “Haloo midoobo ka hortaga weerarada Argagixisada”

0

Dowladda Kenya ayaa waxa ay si kulul uga hadashay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Kapenguria ee Waqooyi Galbeed ee dalka Kenya, waxaana weerarkaas geystay Shabaab.

Ninka Shabaabka ah ee weerar ka dambeeyay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.

Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi uu jiro oo Shabaabka ay soo qaadeen.

Joseph Boinnet ayaa ku faanay in ciidamada Kenya ay iska difaaceen weerarka Shabaab ay soo qaadeen, islamarkaana dhankooda 6 Askari looga dilay.

“Waxa uu ahaa weerar xoogan laakiin waan iska difaacnay inkastoo ninka weerarka soo qaaday uu ahaa mid naftii halige ah sidoo kale ciidanka si weyn ayay iskaga celiyeen” ayuu yiri Taliyaha Booliska Joseph Boinnet.

Sarkaalkaan ayaanan sheegin Khasaare ciidamada Shabaabka ka soo gaaray weerarkaasi, isaga oo sidoo kale aanan sheegin ciidamada Shabaab in ay qabsadeen Saldhiga deegaanka iyo in kale.

Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa sidoo kale Beesha Caalamka iyo Wadamada caalamka waxa uu ugu baaqay in muhiim ay tahay in loo midoobo weerarada Argagixisada.

Shabaabka ayaa Warbaahintooda waxa ay ka sheegeen in ay qabsadeen saldhiga islamarkaana ay khasaare badan gaarsiiyeen ciidanka Kenya.

Weerarka Shabaabku shalay ay geystaan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay ku qaadaan Waqooyiga Galbeed ee Kenya.