Isku aadka Cayaaraha Maamul Goboleedyada oo la sameeyay

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu sameeyay isku aadka tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada Soomaaliya, kaasoo galabta ka furmidoona garoonka kubbada cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda dhalinyarada Puntland iyo xiriirkada kubada cagta Puntland ayaa ku guulaystay in dib loogu laabto isku aadka kooxaha tartanka kadib markii ay sheegeen in iyagoo aan lagu war gelin  la iska sameeyay isku aadka kooxaha lana shegay in galabta lagu furayo Banaadir iyo Puntland.

Balse waxaa la soo saaray Isku aadka Rasmiga ah,iyadoo Kulanka Furitaanka ay noqon doonaan Banaadir iyo Koofur Galbeed.

sidaan ayaa loo sameeyay Isku Aadka

Guruub A

Puntland

Banaadir

Koonfur Galbeed.

Guruub B.

Jubbland.

Galmudug

Shabeladda dhexe/Hiiraan.